VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caashaqu Ogeysiis Ma leeyahay - Lyrics

Markuu seexdey aadmigu
iyadoo ileys jirin
aqalkuna madawyahay
araweelo ii timi
soco eeg saw imey odhan
ubaxaan dugsiga dhigey
niyadaan ka oogsadey
markaan furey albaabki
awrkii cirkaan xalay
arkayoo ku modoo
muddo ku ag-wareegoo
ugubnimo xishood lehe
indhuhu wey la waabteen
afka kama cadeyn karo
ergena uma diran karee
caashaqu ogeysiis ma leeyahay

 

Naftii jaceyl u ooman
koley eed ma weydee
sida irir maqaarley
ololol reema saw ma ahi
indhahaygii wiilkii
aan ogalaadey saaree
mar maxaan idhaahdaa
bal ayaamo sii dhawr
marna waxaan idhaahdaa
abidkaaba ha u bixin
misne kama adkeystee
ugubnimo xidhood lehe
indhuhu wey la waabteen
afka kama cadeyn karo
ergena uma diran karee
caashaqu ogeysiis ma leeyahay

Queue is empty
-- / --