VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalbi qudhan v2 - Lyrics

Bishu galab ay tahay Sadax tirada guud Gogoshuu fadhiyay Ruuxii ka guday Waysoo gabtaa X2 Garkan iyo garkaa Midna gaari waa Laba guri dhexdood Gabal ugu damyahay Maan gorfaynin waa X2 Anigana gadaaa Ma gufaysan kaa Gal dalooladaan Go'a saar lahaa Gacalkiyo bulshadu Sow iguma garan X2 Sirta gegi cid la'ah Geesaye miyaan Goor iyo ayaan Gaar kuu sasabi Kaa gaab sadee Niyad kaa go'diyo X2 Qalbi gudhan miyaa Qosol lagu godlaa X2 Goray sheedaha koray Geedaha kuyaal Wuxuu goosto uu Gaa gaanbiyaba Sow inuu gadaal X2 Godlodaadiyo suxul Labada garab Gees uun udhaco Maan gorfaynin waa Ana goortii aad Girin giirisayeee X2 Dhowrkii gamuun tidhi Yay gafine ha isgarab Socdeen inaad laba Gardaaqa laabta ugediday Waan kugu gartee X2 Gar ma qaadatide Gododlow miyaan Goor iyo ayaan Gaar kuu sasabi Garka iyo maxaad Ii qaban gondaha X2 Qalbi gudhan miyaa Qosol lagu godlaa X2
Queue is empty
-- / --