VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida dhamasta geedaha - Lyrics

sida dhamastu geedaha dhirta uga saraysaa adiguna dhamaantood qayrkaa u dhaaftee dhankaad igu jirtaaban sii dhuganayaayoo igu dhararsanaatee dhudhumadaan ku joogiyo dhererkiyo laxaadkana adigaa dhantaalee sidaad iigu dheertahay dhaax lama ilaawee hadaad dhimashaday rabin aan wada dhamaynee dhuug u yeelo waanada dhirtu kala udgoon badan ubax kala dhalaal badan dhulka meesha godanbaa biyuhu u dhaqaaqaane dhabta iyo cayaartuna wax isu dhiganta maahee ula dhebi la moodyeey dhexda madag sideedaay qurux loo dhameeyeey dhugmada iyo aqooontana RABAA kuu dhameeyee anoon dhimashadaa rabin aan kulu dhameeyee dhanbaal odayga gaadhsii dhool karan hilaaciyo dhadool lama maseeyee dhulka waxa joogana ma wiil kuu dhugmaa jira ee geesi lagugu dherershana dhab laguma qabanoo wali hooyo may dhalin jacaylkeenu waa dhab waxa iiga dhiman sharaf nasiib iigu kaa dhaca sidaad iigu dheertahay dhaax lama ilaawee dhool kala hilaac badan dhawaaqyaduna kala wacan nimaan dheef wadaagnaa haye inaan dhaco ma doonee anoon kaa dhaqaaqayn kula dhuuman maayoo nabsi lama dhitaystee dhamaciyo dab ololayoo dhuxulo ha i liqsiininoo ha iga dhigan dhurwaagii ninkii dhayda siin jirin dheetadiisii dooxee qayrkaa u dhaaft
Queue is empty
-- / --