VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa iska xaal aduun - Lyrics

Hadaad adigu xaal aad Damacdaa xasilin yahayee Oo xaajò diid tahayee Tayduna xin dheeroo Xakan laga karaa jirinee Ku xereysan tahay welo Xaskul laga sameeyiyo Xadhig gaara loo heyn Halkaad xays ka daaqdana Hadaan xagal ka daac ahaye Xaq ma iigu leedahay Adigoo xigtii qubey Kadimada xawaadka ahe Xoor in aan ka waayaa Wayska xaal aduun Xidigaha haddii aad Meel kula xereetoo Xoogagu kugu sima ee Oo xogla eey danteyduna Xagal laga hayaamiyo Iga taalo xeeliga eey Xirgin lagaga qaadiyo Aan xaal aduun gabaye Halkaad xayska daaqdana Hadaan xagal ka daac ahay Ku celi hooriska Xumbo maaha aadmigu Iyo xoodh guraayee Taariikh xil weyniyo Haddii xaabaal galo Xusuus waa ka reebiyo Labaan xiiso kala helin Mid xanaanku weyn yahay Kan kalane xidhiidhkii Xaleef kula ordaayoo Xiriif iyo qas uun yahay Xero kuma heshiisee Uu xutubinta diidee Waxba xeerin waayee Cid ma kale xanteystaa Wayska xaal aduun Aduun
Queue is empty
-- / --