VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sifada calanka – Somaliland - Lyrics

Calan keena wacanee Towxiid lagu carifayee Siduu yahay cad ceed Subax nuurka nagu Cadeeyee X2 Cawadiyo ayaan kale Caadilkii nasiiyaan Mahad badan u celinaa X2 Calan yahow wanagsani Caabiriin dhamaan tood Cidii aragta muuqa cabsi Iyo xishood baad cindigoda Galisaa X2 Ishii cowri kulul iyo cadow Uurka kaa neceb ceeb iyo Dhib kula jecel alaa caabiyaa Jiree isagaan cuskanaynaa X2 Abidkaa cirkaa joog ku Ciyaar hawada sare ciida Hoose ha udagin cadowgaa Ma ciil baxo X2 Calan keena midabada Kala caynba cayna casaan Ka iyo doogada badhka kale Cadaan yahay X2 Cilmi baa ku duugane Cashar maad ka barataan Cisi maad ku sugataan X2 Casaan wuxuu tilmaamaa Marka cadow damaaciya Ciida quudareeyee isyiraa Cagaha saar in dadkiisu Caabiyo X2 Inaan laga cab soonoo Ciida dhiiga loo qubo Curadadu shahiidaan Calafgo'o cadaawuhu Waa caadadiisee X2 Abidkaa cirkaa joog ku Ciyaar hawada sare ciida Hoose ha udagin cadowga Ma ciil baxo X2 Cadaan wuxuu tilmama Nabad caano shubatoo Calool caafimaad iyo Samo lagu caweeyoo X2 Colaad aan warkeed jirin Caruurtuna garoomada Ku ciyaarayaan nabad X2 Doogu waa cawiyo khayr Caradoo barwaaqa ah Cal calyada xareedii Ceelyadu xarfanayaan Cagaarka iyo doogii X2 Caleentiyo mankii baxay Cuudka loodareershoo Caano lagaga maalaa Markay curatay maan Deeq soo cuganay Gorofkii X2 Abidkaa cirkaa joog ku Ciyaar hawada sare ciida Hoose ha udagin cadowga Ma ciil baxo X2 Caano keentay godolkii Ciid loo dabaal dagay Car carkii candhada gubay Cabaadkiyo xanuunkii X2 Caano celisay cararkii Aji xidig madoweey ala Maad ujoogtaan X2 Dib u curashadeedii Inta curashaheediyo Wixii cuud ku baa ba'ay Aji xidig madooweey alla Maad ujoogtaan X2 Calanyahow wanaagsani Alow cadow ku maagiyo Wax ku ciila kaahay casiis Keen xijaabada haku dayro Cidhif yada X2 Abidkaa cirkaa joog ku Ciyaar hawada sare ciida Hoose ha udagin cadowgaa Ma ciil baxo X2
Queue is empty
-- / --