VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jabuutaay - Lyrics

Naftu tay jeclaatee Jeegaanta roobkiyo Lagu jaray sagalkaay janno lagu durduurtiyo jawharad la moodeeyeey Jabuutaay ma nabad baa? Ummad wada jirtoo U jajaban dalkoodoo Jidka toosan qaadoo Si dhaba isu jeceloo Jeexaygii baad tahee Jabuutaay ma nabad baa? Jaahaagan wacan iyo Jamaalkaaga quruxda leh Markii aan jaleecaan Farxad jidhidhicoodaa Jidhku ii dubaaxshee Jabuutaay ma nabadbaa? Ummad wada jirtoo U jajaban dalkoodoo Jidka toosan qaadoo Si dhaba isu jeceloo Jeexaygii baad tahee Jabuutaay ma nabad baa?
Queue is empty
-- / --