VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jaceelkaaga innyoho - Lyrics

Jacaylkaagu inanyohow Igu noqay mid jabka leh Jiraw igu abuuroo Aan ka jiifi waayee Markii aan jamaalkiyo Joogaaga eegaba Jidhiidhicaa i qabatoo Joogi waayay awgaa 2× Jeegaan la moodyoo Jawharadii naftaydoo Jaleecadaan ku eegaba Kaama jeedsan karayee Adigaan ala adigaan Adigaan ku jecelahee 2× Sidaa tahay jidhoobaad Jeexyadii nugaaliyo Jiidalii intuu helay Ay xareedu jiiftee Ama jiida heerdhe hee Ubax jaadba jaadiyo Ruuxii jaleecaa Janadii ma moogee 2× Jeegaan la moodyoo Jawharadii naftaydoo Jaleecadaan ku eegaba Kaama jeedsan karayee Adigaan ala adigaan Adigaan ku jecelahee 2×
Queue is empty
-- / --