VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hadimo - Lyrics

jacayl hadimadiisii adigaa ii horseedoo halbawlahaad i goysoo igamana warhayside heegadii kalgacalkaa dusha iga hadhaysee hadii aanan hodaneey isu kaa halaynayn heeso kuuma qaadeen haye kuma idhaahdeen nin dartaa u galay halis lama gooyo hanaqee ha iga marin hareertee kalgacaylka ila hubi ka ilaali hadimada hamuuntiisa caashaqu hadii uu ku heli lahaa kaagamaan hadheenoo hab ayaan ku siin lahaa ana hiil kabkaaga hubaal waan u baahday ila qaybo hareertoo haybadaada wacaniyo soo hor joogsigaagaan naftu humilo raacdee
Queue is empty
-- / --