VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caashaqa ma baran wali - Lyrics

Caashaqa ma baran wali mana beeninaayee kuu bogaye inanyahow sidii meel bugtiyo gacan lagu kala bariiyaa sida ruuxa beer nugul jaceyl ugu badheedha baraadli u seexdaa haduu yahey bar kuma taal abwaan uma balweeyeen ma boqreen hadraawibaa beerlula ma sheegeen Xarago Ninkii baacin jireybaa deymo loogu baaqaa lama baajiyee calaf kuu bogaadey inanyahey sidii bureeqaan bar barkaaga taagnaa biyaha ii dhureysaan abaalkeeda buuxshaa xiisuhu ma ba'ayee hadaad bixi adoon bogan jaceyl be nabadee makusii balamiyaa Kinsi Xaji Adan Caashaqu balo iyo kheyr midkuu doono hay bado kuu bogey inanyahow sidee bilis xishootaa runta uga badheedhaa sida ruuxa beer nugul baahi dhab u noqota jaceyl ugu barisaa haduu yahey bar kuma taal abwaan uma balweeyeen ma boqreen hadraawibaa beerlula ma sheegeen Xarago Dhulkoo meel barwaaqa ah oon laheyn bad iyo wabi dhirtu ay ku badan tahey beryo laydhsi loo tago buurta gacan libaax ku yaal beydka raaxada makusoo baraayoo bariba ma isu raacnaa xiisuhu ma ba'ayee hadaad bixi adoon bogan jaceyl be nabadee makusii balamiyaa
Queue is empty
-- / --