VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wajiyaal is xasuustaa - Lyrics

Kinsi

Wajiyaal is xasuustaa
indha aan kala waarin
nafa aan isba waayin
laba aan kala weecan
wadnayaaal is jeclaada
wadku daayo oo raagga
ha wadeeca asqeynin
ha wadaagaan xaanaano
inagaa ku wacneyne
maxaad iiga wareegtey

Xarago

Sida waxyaha jiidhka
wadnaha iyo diirka'
halbawlaha is waraabsan
u wadaagney jacayl
markuu kaaga waraaqshey
ee wadeeca ku taabtey
inaaan kaaga wareego
waaqla kaaga dhaqaaqo
hadii uu wakhti keeney
nin wax saarle miyaan ahay ani

Kinsi

Walbahaarka jacaylka
sida weyraxa geelu
ilmaha ugu wareegaan
kugu weehanayaaye
hadii aad wakineyso
ood ka wiiqan tahay dhuuxa
wari caashaq ku raacdey
warka maan ka dhigeene
inagaa isku wacneyne
maxaad iiga wareegtey

Xarago

Wiyiisha ubadkeeda
waxa jooga adduun
iyadaa ula wanaagsan
kolka waayuhu liico
dani ay ka wadaayee
hadii aynu isweyno
walaac waa ku dilaayoo
waa wareegto adduunku
hadii uu wakhti keeney
nin wax saarle miyaan ahay ani

Queue is empty
-- / --