VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garowso waxaan ku dhaho - Lyrics

Dadkii kala gadaan qarsada Waxbaa ka dhex guuxayee Gar baan kuu dhiganayaa Gudoonkuna waadigii Gareexo lama doonayee Garowso waxaan ku dhaho Nin goba ood gacal tihiin weliba gacalooy ku jecel adoon ku maqnayn wax gara inuu gurigoo cidla ah sidii gaalshire fadhiyo Miyaanan gartaa lahayn Dardaarankii waad geftee adoo fasax gaaban tegey maxaa gebla kaaga xidhan ma geel baa kuugu xidhan ma geel baa kuugu dhalay Adoon gurac iyo canaan Adoon gacal iyo dhib qabin Adoon gaajo iyo dhib arag Anoo guri kuu sharaxay Gasiinkuna kuu dhaxyaala Weliba gobanimo iyo sharaf Adiga guudka kaaga suray weliba gacalooy ku jecel adoon ku maqnayn wax gara inuu gurigoo cidla ah sidii gaalshire fadhiyo Miyaanan gartaa lahayn dardaarankii waad geftee adoo fasax gaaban tegey maxaa gebla kaaga xidhan ma geel baa kuugu xidhan ma geel baa kuugu dhalay
Queue is empty
-- / --