VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Amaanta Ft Xabiiba - Lyrics

Sida hooyo ubadkeeda
uur iyo ku qaad dhabarka
oohin iyo udiid silica
anshax iyo wanaag barista
aayaha u korintaanka
ayaad uga egtahey samirka

Eed maleh nafteydani 
hadey ku ogolaatee
waa amaantada inaad u qolantaa

Sida gaaf arooskiisa
alalaaska dumarkeena
galbiska iyo asluubtooda
ayaad uga egtahey sharafka

Eed maleh nafteeydani 
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalanta

Sida ubaxa iyo dooga
ama uduga reexaanka
ayaad inanyahoow adigu
sida ehel nafta u tahaye

Eed male nafteeydani 
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalantaa

Sida ololka nuurkiisa
ama dayax ilayskiisa
ayaad iila egtahey muuqa
indhahaad ula egtahey quruxda

Eed maleh naftani
hadeey ku ogolaatee
waa amaanta inaad u qalantaa

Queue is empty
-- / --