VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhismaha Nolasha - Lyrics

Dhismaheyga noloshow dhaayaha u roonow dhibku heyna daaye hadmuu dhici arooskiiX2 Dhaqashada iyo aayaha nolasha taan ku dhaartaay dhaqsa reer galkeeniyo rabbi ha isku keen dhigoX2 Rabbi kuma dhantaaline siduu kuu dhameystiray dhankastoo aan eegaba ma dhaafaan ragbaa tahyX2 Dhaqankiyo asluubtiyo dhalaalkiyo quruxdaadaa qeyrkaa ku dhaaftoo lama dhalin adoo kale lama dhalinX2 Ma is dhaafsanaayoo dhiiga ma isu miirnaaX2 Waxyeelada dhankaagaan dhaawac uuga baqayaa dhaawac uuga baqayaaX2 Dharaarteynu kulanaa dhal horaadka caashaqa iisartay dhabarkoo aniguna iskama dhiginX2 Dharaarteynu kulanaa dheydiisa caashaqa idhan siisay anigoo dhadhansaday kalgaclkiiX2 Dhagaheyga maqalkuna hadalki ku so dhaca waxey sii dhadhamiyaan kalmadaha dhankaaga aaX2 dhaayaheygu jecelaa adigoon ka dheereen hadba iney ku dhowrtaan jaleecada ku dheehdaan jaleecadaX2 ma isdhaafsanaayoo dhiiga ma isu miirnaaX2 waxyeelada dhankaagaan dhaawac uuga baqayaa dhaawac uuga baqayaaX2 Lyrics by Abdi Deeq
Queue is empty
-- / --