VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gacalo - Lyrics

Caashqaqa Ha guulguulin Ha udiidin gogashiisa Gocalooy wanaageena Ha ku dumin garaadkaaga Garashada ha waydaynin Ha uguuxin nacabkaaga gurboodkiyo iyo dhalaankeena Ha baneenin garabkooda Gudintaad afeenayso Ha ku goynin midigtaa Gibasha iyo owrkeeda Labo gees hakala geenin Hadalka iyo go’aankii Taladii iyo gudoonkii berito iyo waxii gaaray Rabi ha’ina garan siiyo Gocashada ha baarbaarin Ha ufiirsan godabteeda Guurka iyo sharaftiisa Haka goyin jaceylkayna Inta xaajo gurigiina gudi oday loo saaray Hadii la isku wada geeyo Boqol iyo lag bay gaaareey Rag ninkaanay gabdhiisa Gol doleela ka ilaalin Qayrkiisa garabjoogo Weligii ma gaaraayo Hadalka iyo go’aankii Taladii iyo gudoonkii Berito iyo waxii gaadhay Rabbi ha’ina garan siiyo dhirta lama garaacaanka gunta xididka ha usaarin Geed miraha laga goosto jiridiisa lama gooyo Guryo samo adoo yaala abaar reerka lama geeyo adoon sahan ku guureynin Geediga ha heensaynin Gafka ruux intuu geesto Garawshiyo laga waaye Halka kibirka gaarsiiyo Gumatida haloo joogo Hadalka iyo go’aankii Taladii iyo gudoonkii Berito iyo waxii gaadhay Rabbi ha’ina garan siiyo
Queue is empty
-- / --