VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Somali dareen ku liid - Lyrics

Dalkani wuu yaaban yahay Dalkani wuu yaaban yahay Dantiisu u ciilan yahay Dadna uu is moodayaa Dadna uu is moodayaa Dareen se runtii u dhaw Duuduubaa garsoor la duugay Dabaa la shidoo la ooday Deyruu qarankii ku tagaye Deyruu qarankii ku tagaye 2× Soomaali dareen ku liid Diinbay ku ugaarsataa Dilbay dhiigyo cab ku tahay Dadkeeday gumaadaysaa 2× Dawyada maataa dul taal Dan kama laha duul rogmaday Qaxootay u duday dhamaan Shisheeyay dukeeshataa Qaxootay u duday dhamaan Shisheeyay dareensataa 2× Waxaan diintuba qorayn Duransay ku foogan tahay Dacarbay malabaysataa Doorbey beer moodasaa 2× Duulaanbay qarankeed ku tahee Qabiilbay dugashataa Intii doqonaa u hogaansan Dirac se waa uu garanayaa 2× Damane wuxuu maagan yahay Dabaayuu hiiliyaa Deymada eebaa ku maqan Deymada eebaa ku maqan Diwaanaa waxbaa ugu qoran 2× Dalkani wuu yaaban yahay Dalkani wuu yaaban yahay Dantiisu u ciilan yahay Dadna uu is moodayaa Dadna uu is moodayaa Dareen se runtii u dhaw 2× Dalkani wuu yaaban yahay Dalkani wuu yaaban yahay Dalkani wuu yaaban yahay Dalkani wuu yaaban yahay 2×
Queue is empty
-- / --