VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Alif layl wa layl - Lyrics

Alif layl wa layl iyo Laba malyuuna iyo toban Sow jacaylku laaciyo Ubax iima lulayoo 2x Laxawsiga kalgacalkiyo Lahashada naftayduna Waa waxa i lumiyee 2x Kay laabtu raacdow Liqi waayay aantoo Ladi waayay jiifkee 2x Imikan lurkiisii Lalabaha habeenkii Leexadu i sidataye Haygu laadin wacadkee 2x Waxan ahay laxiimiyo Lur jacayl ku laasimay Laabta iyo beerkuu Leeb igaga taagee 2x Ilaa laba jirkaygii Laabtaydu ku ladhanyoo Waanu igu lamaanyee 2x Mana laama doodoo Aniguba lur mooyee Liibaana kama helo 2x Imikan lurkiisii Lalabaha habeenkii Leexadu i sidataye Ha igu laadin wacadkee 2x
Queue is empty
-- / --