VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nafta - Lyrics

Naftu doqonsanaa Damac waalanaa Waxay doonto bari Kuu diri ogaa Dantu kaa adagaa Durba heli ogaayeey 2× Labada is dardaray Dad ka dhibi ogaa Labada is dardaray Dad ka dhibi ogaa 2× Receve dheh makuu diray Ka durugsanaa Nimuu duunyo tiilaayo Labadii ku dhawaaq 2× Taa waxa daliil u ah Haadka samada duuliyo Jinkuba u siman calaf 2× Nina ceeshka daayacan Inuu dal u soo marin Kama helo daleedaa daleedaa 2× Siday diintu nagu tidhi Iyo xabaha dhaaftee Dharka darajaduu helay Rafiikaa ma daynee Dhadhalkaad i doontidee 2× Nafta Dabaylaha cirkay Adba kugu dartaa Daruur kaa fogbay Daro xidho Kugu tidhaahaaye 2× Dahab aanad lahayn Ku tidhaa daldalo Dahab aanad lahayn Ku tidhaa daldalo 2× Haadka dayrin abidkaa Noloshaad badali tahay Haw doogin abidkaa Mid kaluu ku dayashaa 2× Taa waxa daliil u ah Oo nooga dhigi kara Xadiisbaa ku soo dagay 2× Marna isma garab dago Dad ma wada sinaan karo Aduun waa is daba maal Is daba maal 2× Siday diintu nagu tidhi Iyo xabaha dhaaftee Dharka darajaduu helay Rafiikaa ma daynee Dhadhalkaad i doontidee 2×
Queue is empty
-- / --