VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Majinbaa majaanbaa - Lyrics

Majinbaa ma jaanbaa Mise jahawareer-bey Arintaydu joogtaa. Sowkan Jarihii aan waday dhan kale u jan jeedhsaday. Alahayow janiyo naar Adaa u kala jiheeyee Aniga jooge iga maqan Qalbigaygii lana jiro Oon jabiyo maamuus Jiro badan la soo maray Isagana jacaylkuba Uu layahay dad jaale ah Sideen ugu jiheeyaa Jibintoo hilaaciyo Sida joharad nuurtuu Meel iila joogaa Jibadiyo Kalgacalkana Nafta waan u jari laa Sidii Roob jirdaale ah Ama jeerta wabiyada Ee joogta waligeed Sawkan Jabadka iga galay . Jazahayga Eebaa Janadiisa iga siin . Waxat tahay Jaabtay Inaan kaba jalbeebtaa Haduu jabiyay wacadkii Jaleeladu ma geedba Jilbiskuna ma bahalbaa Jigriguna ma qoribaa. Ana jululudaydii Ma wax aan jiraynbaa Dadka laba Jar-daaqaa Jirjiroole siduu yahay Kolba jeega kuu dhiga Ee aan dhanaba jirin Iyo waxa la Jaadaba Jaliilkaan ka magan galay. Nabsiguna haduu jiro Hayska Jalaqubteeyee Loo joogi doonee
Queue is empty
-- / --