VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saciida - Lyrics

Waxa tahay sadkaygiyo Sanku neefle idilkii Inantaan ka soocnee Saamow saamuhuna Na kala raraye 2× In kastoy in saaqdoon Sunta caashaq halis tahay Sidiibaa saciida Nafta wali u sidataa Wali u sidataa 2× Waa waa saatir mahadii Adoo sida kalgacalkee Inaan saaka kulanaa Soo dhawoow macaaneey 2× Waxaa tahay sagaal sano Subax qudha anoon arag Sawirkeeda inaan kow Ka sal guuriniyo Ka sal guurinbaa tahee 2× In kastoo sad calaf yahay Samirkuna awood yahay Sidiibaay saciidaay Naftani kuu sugaysaa Kuu sugaysaa 2× Waa waa saatir mahadii Adoo sida kalgacalkee Inaan saaka kulanaa Soo dhawoow macaaneey 2×
Queue is empty
-- / --