VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nimco - Lyrics

Heesaha amaanta Hawraarta maansada Halabuurkii baaxdee Hobol luuqa saariyo Xiligaanni jabo Aduunbaa hoortay iman Nimco hooyadaabaa Asluub kugu anqarisoo Dhaqankaa hagaagsan Hawldheeri weeyee Amalbaan huuwinayaa 2× Mar hadaa la maalo Hoygeenu weeyahayee Laba isla weynoo Markay kala habsaamaan Dhakso Isku soo hiloobee Jacayl isku hambeeyee Haynaga dhigo aamiin Haynaga dhigo aamiin Haynaga dhigo aamiin Haynaga dhigo aamiin Cida hayn warkaagee Hore aan kuu arag Aan u baahsho hadalkee Daryeel hagar lahayniyo Hawl iyo gudoontee Nimcaa loogu hii jiray 2× Haybadiyo xishoodkuna Laafyaha hanaanka leh Cidi aanan holinayn Hibo eebe weeyee Haweenkaad u sidataa 2× Mar hadaa la maalo Hoygeenu weeyahayee Laba isla weynoo Markay kala habsaamaan Dhakso Isku soo hiloobee Jacayl isku hambeeyee Haynaga dhigo aamiin Haynaga dhigo aamiin Haynaga dhigo aamiin Haynaga dhigo aamiin
Queue is empty
-- / --