VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Beri hore waxaa jiray - Lyrics

Max’ed Jaamac Joof: Lyrics by Maalmo.com Beri hore waxaa jiray Inan timaha dibtoo Baarkana u tidicdoo Boqorkiyo dhaclahiyo Maro beyle xiratee Wax badaley kuwii hore Belo geesa dheeroo [ ] Buur madaxa saartoo Suuqa baratamaayee Naa bi’ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Boqolsano horteediyo Beri hore wixii jiray Ee la iska baal maray Budulkii dib u ha u qaban Laga soo baqoolee Hadaad baratamin orod Bisha iyo cadceediyo Beesha loo horseedoo Aanu beegsaneynaa Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin [ ] Dadka soo baraarugey Max’ed Jaamac Joof Naa bi’ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Ilaahii bad iyo wabi Biyahooda daadshee Meel kula balamayee Dhulka baaxadaliyo Buuraha rakibeybaa Bini aadamgiisana Ruuxba ay u beere Waad baadiyowdee Cidi kulama beyrine Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin Dadka soo baraarugey Max’ed Jaamac Joof Beri hore waxaa jirey Inan baarax geeliyo Faraskii baxdoowaba Yarad looga bixiyaa Bunduqana la raacshaa Wax badaley kuwii hore Isu bogga bar maqanoo Bahdii ay ka dhalatiyo Beylihisey waanee Naa bi’ise dhaqankii Sharcigii ka beyroo Diintii burburiseen Habloow maad is barqabataan Maryan Mursal Mataan Baarax geela iyo faras Iyo boqon yaraha ari Hablihii lagu badali jiray Diinta aynu baraniyo Ma baneyn kitaabkuye Booli quutayaashii Biicsan jirey haweenkiyo [ ] Baxadsoorihii tagay Maanta looma baahnee Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahoow dib ha u celin Dadka soo baraarugey
Queue is empty
-- / --