VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Barni - Lyrics

Billowgeenii hore iyo, Ogow barashadeennii, Barney waalidkaa baa, Aqoon kugu barbaarshee, Arooskeennii buuxiyo, Misna beri-samaadkii, Inaanan taada beeneyn, Waan taan maray Billaahee, Adna iga ma beydhine, Waa taad *beer adeyg iyo, Ballan qaadday sharaftee, Ha barriiqan weligaa, (huuno) kow dheh, Beenalahana iska ogow, (huuno)laba dheh, Axdigana ha beeneyn. **** Wadna baalashiisiyo, Beerka xididdadiisiyo, Boggaygiyo jirkaygiyo, Nafta kala barkeedaay, Haddaan beri ku moogahay, Boholyow ma seexdoo, Indhahaa i basaasee, Inaad baaqday ii tahay, Anna inaanan bukaan qabin, Buurta igala culus tahay, Birta igala adag tahay, Ha barriiqan weligaa, (huuno) kow dheh, Beenalahana iska ogow, (huuno) laba dheh, Axdigana ha beylihin. Lyrics by: Xasan Cabdi Xasan
Queue is empty
-- / --