VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cajebey cajiibeey - Lyrics

Cajebey cajiibeey Cawo iyo ayaaneey Caqligaad xadaysaa sida geed cal iyo buur dheer Carro-hodan ku yaalloo Cokanoo irmaanoo Dhirta kale ka caynoo Hoobaan casuus lihi Laamaha is-celisoo Ubaxuna tin iyo cidhib Kaga dhigay cabbaadhyiyo Dusha sare caleentii Cidhifka is la gaadhaan Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku in ku caashaqo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen Cad waxaad wadaagtaan Dhulka oo cagaarloo Cosobkii is gaadhiyo Cagta meel la saaroon La cuskado la haynoo Fiid cawl horaantii Cirka oo daruuruhu Ku dhigeen canjiidaha Dayixiyo cadceeduna Cidhifyada ka joogaan Sagal caasha saaraad Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku in ku caashaqo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen Sida faras cag fududoo Cadda horor yaqaannoo Gulufkiyo colaadaha Ninka lihi cad goostaa Raggu kuu cugtamayaa Cimri dherer hadhkaagaan Inay kula caweyaan Culimada jacaylkee Cawdeyda gooysee Ii cadaadinaysaa U calool yoobayaa Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku in ku caashaqo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen
Queue is empty
-- / --