VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caloolyoow - Lyrics

Cabashiyo caloolyow ciil kaama bi'iyaan tala cayn wareegtana la iskuma canaantee caqli iyo hubsiinaa cidhib looga aayaa cidna eersan maayee Sida ciyowga aydaan casarkii dhawaaqaa ama cawsha duurkaan cidla duur wareegaa ciirsilaa anays dhigay iyo culuuqan gaystoo cidna eersan maayee Jacayl waa cadaawoo cidi kaama qaadee dawa lay cabsiiyiyo cashar wan ka quustee waxa cunaha dhaafiyo cunto waan ilaawoo cidna eersan maayee Cirku nimuu kusoo dumay cidi kama dulqaadee dhulku miduu la ciirana laga caawin maayee Casharkii ihaleelaa cadkii iga dhameeyoo cidna eersan maayee Cawa iyo ayaankuba calaf eebe weeyee cisigiyo wanaaguna lama celin karaayee ciirsila' anays dhigay iyo culuuqan gaystoo cidna eersan maayee Heestu waa ??cidna eersan maayee (caloolyow) fanaankuna waa Tubeec (boqorka codka) Lyric by abdulaahi sandhooye
Queue is empty
-- / --