VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhool Da’ay - Lyrics

Dhool da'ay lamoodyee Wan kugu dhadhabayaayee Dharaartaynu kulanaa Dhulku ila wareegee Dhimasho iyo Nolol Wali kala dhex joogaa Dhankii aad imarisaba Kuu dhiibay taladee Adna haygu dheerayn Dhibaatadan ihaysee Iisoo dhaweeyoo Aan dhamayno xaajada Dhabi baxay lamoodyee Wan ka dhursugayaayee Dhawaaqaan jeclaystaan Dhaqso kaaga filayaa Dhayal haw malaynine Wayga dhab caashaq weeyee Wadnahay dhufanayoo Dhiigayga nuugayee Adna haygu dheerayn Dhibaatan ihaysoo Iisoo dhaweeyoo Aan dhamayno xaajada Dhal wadaad lamoodyee Indhahaa ku dhaygagayee Dhabanada hilaaciyo Dhoolo ka qosol kaagee Dhaqaf joog sigaygaa Dhalaanku iila yaabaa Yuuku dhaafin hadalkuye Ii dhaga nugloowoo Adna haygu dheerayn Dhibaatada ihaysoo Iisoo dhaweeyoo Aan dhamayno xaajada Lyrics by abdulahi sandhooye
Queue is empty
-- / --