VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Geydh mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mahamed S Tubeec
Geydh

Maxaan gayd la jiifsaday
maxay gocasho ii tiil
maxaan ciil la gabax idhi
jacayl igu gadaadnaa
maxaan gawro dhaxameed
socod aan gayoobayn
gabar yahay daraadaa
waagu iigu galac yidhi
inaad gaari dumariyo
marwo guudka dabatiyo
garashada haweenkiyo
tahay midab ka gooniya
oo quruxda gabigeed
rabi ugu gargaaroo
niimaalka guudnimo
ama xubin la gaasiro
aan lahayn gun iyo baar
gediisii inaa tahay
nabi yuusuf gacalooy
maanshee laguu garay
calaf laba galay meel
heshiiskaynu gaadhniyo
anigana go’aankay
haduu guule igu simo
waxa aan ku gawracay
wadna igaga go’an yahay
gobeey adiga mooyee
Hilba aanan gayniyo
dumar wayga garanuug
waxa ay guntuna tahay
gaffa ii run sheegoo
waa dhaqanka gaarkaa
soomaali goornaba
socod guuray ma daayee
maruu guggu hagaagoo
awrta ciirta loo culo
ariguna ka gees galay
waad guray is mooloo
hadimada la goostiyo
aqal gaafa waynbaa
yacay kaga gigsiinee
adoo gabanadii wada
guudkana ku sida qaar
garyo maqashi waar gayd.

Heestu waa geyd
fanaankuna waa tubeec
(Boqorka codka)

Lyric by Abdulahi sandhooye

codkii Mahamed S Tubeec