VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hanbalyo iyo salaan - Lyrics

Cilmi sow hoggiisi Hindisuhu imuu geyn Hambalyiyo salaam iyo Hees sow umaan tirin Halka uu ku noolyahay Hanti wuxuu guddoontee Hor ILAAHEY ugu tegay Hubi sow is maan oran HODAN sow ma waydiin Show waa nin hoydoo Ifka taar la haystee Kama helin jawaabtii Xalay fiid horaadkii Sow haatufkiisii Hudhudki u soo diray Gacan haadiskiisii Kama halacsan sheeddoo Horin bay la socotee Kama harin barbaartii Wuxuu yiri halyeygii Ama haadda soo faray Ku billaabay heeskii Ninkan ila hadlaayee Ii soo hiloobee Howdkiyo xabaalaha Hiilkaygu keenee Hambalyada i siiyee Hogga iiga yeerow Hab-dhaceeda maansada Adigaa higaadshee Anigana war iga hoo Waxa howli joogtaa Ama lagu harraadaa Hanad lagu ciriiryaa Hanti lagu gumaystaa Dumar hoodo leeyay Ragga hoos u eegaan Hoogtada adduunyee Halka aan ku noolahay Janno weeye hodan oo Hurdo lagu dhergaaye Qofka Samir hambaystaa Godka kuma hungoobee Ifka hadimmadiisiyo Dhibtu way horraysoo Ma huraanka aakhiro Anigaa ku haystoo Guri hoos qaboobiyo Halab bay hor taallee Hogol bay kor joogtoo Onkod iyo hillaac baa Dusha iga hareeyoo Haro aan go’ayn baan Darayaa haruubkoo Hoobaan bislaataan Haqab li’i dhex joogaa Ishu halacsanaysaa Nafta waxan ku habayaa Sida hooyo wiilkeed Naasaha horaadkiyo Haaneedka siisiyo (Nirig) …..ka nuugee HODAN iyo jacaylkeed Dani iga ma haysee Dar kalaa…… Hablo Xuural-caynaan haasaawiyaayoon Huwanahay dhabtoodoo Lagu yiri u heesoo Geel ii horwayn baa Igu soo hormarayoon U hayaa wadaantee Howl bay sugaysee Haye nabad walaalow
Queue is empty
-- / --