VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haweeyaay Hir doog leh - Lyrics

Haweeyaay hir doog laay Hoobaan bislaataay Hawdka oo haleeloo Lagusoo hayaamaay Hadmaad naftaydan Haqabtiraysaa Haweeyaay? Hadimadaadaan la hadhsan waayoo Jacayl i heeraan La hugmayaayoo Aday Hoddooree Hubaal naftaad hogaamisoo Halyay Hanqar may banaanee Hurdo layga waayoo Aduun baan habeenkii Riyo kuugu heesaa! Adaw horeeya haweenkoo Hablahaad ku dhaaftay hubqaadkoo Waan ku hanwaynoo Adaan ku haybsha Maysu hagar baxaynaa Mays heli karaynaa Mays hanan karaynaa! Lyrics by Abdulahi sandhooye
Queue is empty
-- / --