VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hinqanaya - Lyrics

Heenseeyey geenyada halab saday dusheedoo Hangagaarka orodkiyo Hirigtay imartiyo Haray yeeshaan Wali hibanayaa Jini may hagoogoo Hiirtaanyo Iyo Ciil Miyay huq igu reebtay Sida geel horwaynoo Barya hawdka jirayoo Oo gob koo caleenliyo Kaymahii lawaayoo Hanfi iyo kulayliyo Dhirtu habaqle so maray Lasoo taagay haradoo Heesuhu maqlaayiyo Loo qaadey Hoobeey Hadba yaan Hinqanaya Sida goray haldhaayoo Barya hadaf ahaayoo Hohobtiyo Madheedhkiyo Guranaaya himirtoo Hoobaantii uu cunay Dhirtu u hadhaayay Oo hugunka kibirkii isguhaaribaysoo Hareeraha dayaysoo Hadba yaan Hinqanayaa Sida geesi hanadoo Hootadii Iyo warankiyo Hubkii uu lahaan jiray Hoostiisa yaalaan Dadku cadaw haleelay Lagu xidhay hogaan adag Nafta Hoobinaayoo Inuu hawl yaraan baxo Aan hubanti filanayn Hadba yaan Hinqanayaa Sida Aar Hamuumoo Intuu hallac dilooday Miciduu lahaan jiray ka huraaya Hilibkoo Markuu dhiigu haw yiri Hilaaciisu uu maray Soo haliilay dabadeed Cidiyaha saaray Hilibkii Hadba Yaan Hinqanayaa ADIGUNA HAGOOTOO HADALKAYGII DIIDEE NABSI WAA HADH GEEDOO MA HAKADO HALYEYGUYE Lyrics by SANDHOOYE
Queue is empty
-- / --