VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hooyo - Lyrics

Hooyoy la'aantaa Adduunyadu hubaashii Habeen kama baxdeenoo Iftiin lama heleenoo Dadku uma hayaameen Dayax heego joogoo Sida haad ma fuuleen Xiddig hawd ka lulatoo hawo laguma gaadheen Hubka laguma tureen cirka hirar ka muuqdoo ruuxaad hagaysiyo dusha midho ku haystaa hilin toosan waligii ka habaabi maayee Hooyoy addoomuhu Halkay maanta joogaan Adigaa u horseedee Intaad hanad xambaartee Haaneedka siisee Horaaddada jaqsiisee Habtay baan xisaabiyo Tiro lagu helayn, Marka aad nin hiilloo Laga baqo hashiisiyo Halyey diran dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Marka aad nin hoo-loo marti hagar ka gelinoo Gurigiisa habaqluhu Isku soo halleeyoo xayntiisa quudhoo Hor ilaahay geystiyo Lama hure dhashaa baa Hooyoy lagu xasuustaa. Marka aad nin himilada Hilin toosan mariyoo Hir markii la gaadhaba Ku labaad hilaadshoo haga maatadiisoo La higsade dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Marka aad nin hooggiyo Ka hor taga dagaalkoo dabka hura baqtiiyoo Garta hubin yaqaanoo Xaqa hoos u eegoo Halistiyo colaadaha ku hagoogta dhiigoo Dadka kala hagaajoo Kala hage dhashaa baa Hooyo lagu xasuustaa. Markaad hoobal caanoo sacabka iyo heelada Labadaba hagaajoo Hindisaha farshaxanoo Hab-dhaca iyo luuqdaba rabi hibo u siiyoo Hawraarta maansada Heensayn yaqaanoo Hal-abuur dhasha baa Hooyo lagu xasuustaa. Dumar iyo haween baa Nolol lagu haweystaa Kuwa lagu hammiyayee Sida hawd caleen wayn Rag u wada hamuumee Ishu halacsanaysaa Hablahaaga weeyee. Marka guur la haybshee Gabadh heego dheeroo Hoobaan la moodoo Karti iyo hub-qaadloo Quruxdana ka hodanoo Hira laga aroostaa Hooyo lagu xasuustaa. Hooyoy la'aantaa Higgaad lama barteenoo Hooyoy la'aantaa Hadal lama kareenoo Ruuxaanad habinoo Kolba aanad heesiyo Hoobey ku sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadi maayee hooyo taftaada dugsi laga helaayoo Hooyoy dhabtaadaa Hurdo lagu gam'aayoo Hooyoy dushaadaa Nabad lagu helaayoo Waxa lagu hal-maalaa Hooyo ababintaadee Hayin lagu badhaadhaay Hogol lagu qaboobaay Gogol lama huraaneey Dugsigi lagu hirtaayee Hidde lagu arooraay. Intaad hooyo nooshahay Hambalyiyo salaan baan Hanti kaaga dhigayaa Hamrashiyo xaq-dhowr baan Dusha kaa huwinayaa, Hooyo dhimashadaaduna Hooggayga weeyoo Weligey hoggaagaan Ka dul heesayaayoo Hiyiga iyo laabtaan Kugu haynayaayoo Hengel baan u xidhayaa Inta haadka duushiyo Idil habar dugaaggee Ifka hibo ku noolow Aakhiro halkii roon
Queue is empty
-- / --