VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jabaq - Lyrics

Jacayl wanaajin maayee cilmi kii la jaqaf yidhi jaafaa juglay helay xarig igu jirdhacayoo igu jiriiriq siiyoo feerahay jajabayee Jugna igama daayoo anuu waa jareeyee jil jileec hanoqon buu jabaq iigu sheegaaye janaa kuu danbaysuu jawharad lamood baad jaalaheeda noqon buu jabaq iigu sheegaa Jiradaas inuu yahay hurdo jiifsan waayoo way diiday joogee nafta wuu jirabayoo jeegaan sidaan ahay isagay jan jeedh shee jugna igama daayoo anuu waa jareeyee jil jileec hanoqon buu jabaq iigu sheegaa Jannaa kuu danbaysuu jawharad lamood baad jaalaheeda noqon buu jabaq iigu sheegaa Jarrow igu kaxaystoo orod jaggaca mooyee socod waan ka jiitee waan jiddiin qalalayoo sidii jibini ay dhici dhagaha ijowllee jugna igama daayoo annuu waa jareeyee jil jileec hanoqon buu jabaq iigu sheegaa jannaa kuu danbaysoo jawharad lamood baad jaalaheeda noqon buu jabaq iigu sheegaa. Heestu waa jabaq fanaankuna waa tubeec (boqorka codka) Lyric by Abdulaahi sandhooye
Queue is empty
-- / --