VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruun - Lyrics

Meel ramashiyo badano dhirtu raama bixisoo ruux midhaa leedahay Rayskiyo barwaaqadiyo Ay wada udgoon yihiin been laguma reeyee waad iraali galisee ruuneey isoo eeg! Meel raaxo badanoo roobku uu ku hooroo biyuhu laba rog manayaan Raha iyo maroodiga ay wada rafiiqmeen been laguma reeyee waad iraali galisee ruuneey isoo eeg! Meel ramad ku dhalayoo dhirtu ay is qabatoon lagu raacin xoolaha Reeruhu ku badan yihiin isusoo rugeeyeen been laguma reeyee waad iraali galisee ruuneey isoo eeg! Meel aarka reemay saanta saydhinaayoo gorayadu ka roortaa Awada rucleeyaan raad raadiyaayee been laguma reeyee waad iraali galisee ruuneey isoo eeg ! Heestu waa RUUNEY ISOO EEG fanaankuna waa TUBEEC (boqorkii codka) Lyric by sandhooye
Queue is empty
-- / --