VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Taladaan La Ruugin v2 - Lyrics

Tubeec rugta lagu abaarsado daranta iyo uumiga hadaan reerka laga rarin xoolahaa ku riiqmee nafteydaa ku raacdee waa rune waa rune adna hayga roorine Maryan Mursal naftadaa i raacdee iga raarideysaa hadii ay run kaa tahay kaa roori maayee taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa Tubeec geel rimay ninkii sugey raadsadey markuu dhalo ramadkiisa maaloo baahida ka reystaa nafteyaa ku raacdee waa rune waa rune adna hayga roorine Maryan Mursal hawraar la raaciyo raad malaha beentuyo qalbigaan rigrigey bay ruxayaan maahmaahduye taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa Tubeec rasamaalka guurkiyo raaxada adduunkiyo raaliyo ninkii hela raganimo ku faanee nafteyaa ku raacdee waa rune waa rune adna hayga roorine Maryan Mursaal rag waa xilo-bilaaliyo geesi ruuxa deeqee midaad tahay rabaa oge kala reebo faalada taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa
Queue is empty
-- / --