VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta In la i talinaayo - Lyrics

naftan caashaqu taabay uu talaabo u diiday waxaan u tabanaayo adiga u taahilaaye inta aad jar ka tuurtay inta aad jar ka tuurtay sow umaad tudhi waayin inta aad jar ka tuurtay inta aad jar ka tuurtay sow umaad tudhi waayin miyaan taahu ku raagay ee tabaalada sheegtay hadaad caashaq la tiicday talo waa ta ilaah in la ii talinaayo in la ii talinaayo taa miyaanad ogaynba in la ii talinaayo in la ii talinaayo taa miyaanad ogaynba ninkan tiisii cuslaysee adna kaa tagi waayay nafsi waa tukubaaye inta aanu ku taabin tawba waa ma huraane towba waa ma huraane maad ka tow siisid meesha tawba waa ma huraane towba waa ma huraane maad ka tow siisid meesha waynagaa u tosownay tabtii layliyo qayse ku talaashay jecayloo qalbigayga ku taale waa tabaalo aduune waa tabaalo aduune rabi ha inala tiirsho waa tabaalo aduune waa tabaalo aduune rabi ha inala tiirsho hadu waa talantaali ruuxba maalin tashaaye hadaan taabka ku hayso anba kaama tageene wadnahaygaad ku taale wadnahaygaad ku taale taa miyaanad ogaynba wadnahaygaad ku taale wadnahaygaad ku taale taa miyaanad ogaynba tabta roobku daruurta hadba uu tus keena hadalkaad i tidhaahda igu sii tarmayaaye anba waan ku tabaaye anba waan ku tabaaye taa ku taamilo qaado anba waan ku tabaaye anba waan ku tabaaye taa ku taamilo qaado
Queue is empty
-- / --