VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kaalay huuno - Lyrics

Kululaadayee Ma kobtaadan joogine Kurbo aduun kalinimo Kari maaye aniguye Kamo kamo kaalay huunoo Kashkiyo laabta ii soo saar I kaalmeeyoo Kun ka roonahaygoow Karti rageed kalsooni Aday kaliba kugu tahay Kama kama kaalay huuno Kashkiyo laabta i soo saar Markii aan ku eegaba Waxba igu kordhaaye Kubabkaagan kala xidhan kalidaabay keentee Kama kama kaalay huunoo Kashkiyo laabta i soo saar Kalgacaylkaa I kadeedinaaya Kaymuhuu kor u dhaafoo Lama koobi karayee Kama kama kaalay huuno Kashkiyo laabta i soo saar
Queue is empty
-- / --