VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mandela seeraha boorame - Lyrics

Samada dusheeniyo Dayaxaa ka sokeeyiyo Xidigaha siraata Isku saaxad maahee Way kala sareeyaan Adna sabankan hablaha kacay Qurux tii u sdatiyo Sareediyo waxaad tahay Sad iyo calafkaan sugaayee U samraayay waligay SAATIR waxaan baryaayaa Inaad soo dhawaatoo Saaxiloon ku nooliyo Seeraha boorame Togdheeriyo salaxlay timaadee Dadku sifaha guud Sawraca iyo aragtida Duaha way ka simanyihiin Sumcadiyo wanaaguna way kala sareeyaan Adna safka aynigaa kacay Marna lama sinidoo Qurux waad u sidataa Waanad ugu saraysaaye Sawjadaan jeclaayeey SAATIR waxaan baryaayaa Inaad soo dhawaatoo Saaxiloon ku nooliyo Seeraha boorame Togdheeriyo salaxlay timaadee
Queue is empty
-- / --