VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Halxidhaale - Lyrics

Cumar Dhuule Hadal kaa da' weynoo lagu doodi karayoo dooddan waan ku leeyee dahaboy u fiirsoo dhulka waxaan u soo degin cirkana daaro ku lahayn ee duula ii sheeg? Maryan Mursal Dhulka waxaan u soo degin cirkana daaro ku lahayn ee duula ii sheeg anaad igu dayaysaye fiidmeerta weeyaan. Hadal kaa da' weynoo dib u baadi doontaa waa xeerka dunidee dayroow u fiirsoo cudurkii ku doorshee daduu helo aan dilin dawo yeelan ii sheeg? Cumar Dhuule cudurkii ku doorshee daduu helo aan dilin dawo yeelan sheegaye Adba kaama daahnee doqonnimo weeyaan. Waa iga digniinoo waa iga dardaarane daduubta aan ku leeyahay dahaboy u fiirso waxa socodka diinka leh dabayshana ka orod badan een daalin iisheeg? Maryan Mursal waxa socodka diinka leh dabayshana ka orod badan een daalin sheegaye diintay ku taale dayaxeenna weeyaan Dabarka iyo hoggaanka iyo dadaal joogto weeyaan waxa la'isku dagayee dayrow u fiirso wax dugaagga raacoo dibeddana u hoydoo dad la moodo ii sheeg Cumar Dhuule Haaaaaa wax dugaagga raacoo dibeddana u hoydoo dad la moodo sheegaye Daanyeerka weeyaan Wixii daacad loo yahay dariiq looma waayee dahaboy u fiirso xiddigahan dusheenna ah middaan uga dan leeyahee een doonayo ii sheeg Maryan Mursal xiddigaha dusheenna ah middaad uga dan leedahee doonayso sheegaye calankeenna doogga waataa ku daabacan Daruur soo hillaacday iyo roob xalayto da'aybaa deg-deg ugu riyoodee dayrow u fiirso qof dibbiro la jiifoo gaajana la daacoo diidaya ii sheeg Cumar Dhuule Dhega qof dibbiro la jiifoo gaajana la daacoo diidaya sheegaye waa dumarka uurka leh
Queue is empty
-- / --