VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Leebkii jaceylka - Lyrics

Leebkii jacaylkoo Lalayaa i jiidhoo Laabtayda galayaa Ladi waayay laamadoodi waayay Waa mid la igu ladhayoo Ladi waayay laamadoodi waayay Waa mid igu lamaanoo Laakimo badanoo Lugooyada ku naaxee Ma i lulay sidii labi Ma laamalaawsha Ma libaaxaan kulanaa Ladanaw ku moodaa Laaban waayay libiqsan waayay Waa mid iga laxaad wayn Luqunta isku duuboo Lugna igu tabceeyee Laas biyo macaan iyo Lo'da caanaheediyo Liqi waayay oontii Libdhi waayay Lumina waayay Waa mid la igu ladhayoo Sidii layliyo qays Laxaadkaan la galayaa
Queue is empty
-- / --