VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laqan - Lyrics

dumar loolankood
ama laacdankood
intaan layli baray
wali kuma labaan
hiilkaygii laadnaa
sidaan laaluf ahay
laqan kugu noqdee
kaalayoo ila lug qaad
ladaneey anigaa
ladhka iga dawee

halaq loolistuu
ku ladgaa naflaha
dumarkana laciif
lacag lagu hantiyo
la,aad mood ragii
ladanoow indhaha
lama raacsho ruux
aan ku laylsamayn
ladanoow aniga
ha igu laakimoon

lafta dhabarkiyo
hadii aan luguhu
laxaadka isa siin
la isma loodiyeen
dhedigiyo labkuna
waa lamaane aan
la,aantood sinaba
kala maarmi karin ee
ladaneey aniga
ladhka iga dawee

waa libin guur
hadaad tahay laxiif
aanad laydh xun wadin
oo aad tahay lilaahi
waan kula laabi
miyaad laab lahayn
liibaan sidee ban
lidi ugu noqdaa
ladanoow aniga
haygu laakimon

Queue is empty
-- / --