VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xulasho - Lyrics

Anoo koxodiyo xarago dhigay Xuduuda jacayl xadkii gali Xishoodoo hablaha aan xaaleyn Xidiid xiiso yarag tidhaahdee Anoo koxodiyo xarago dhigay Xuduuda jacayl xadkii gali Xishoodoo hablaha aan xaaleyn Xidiid xiiso yarag tidhaahdee Xurmooy xubnahaaga kala shuban Tintaada xanjada ka xaadan tahay Suniyo xiribaha isku wad xidhay Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo Xalayto miyaan hurdada laday Xurmooy xubnahaaga kala shuban Tintaada xanjada ka xaadan tahay Suniyo xiribaha isku wad xidhay Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo Xalayto miyaan hurdada laday Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta xaawaley nool Xurmooy inantaan xushaad tahay Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta xaawaley nool Xurmooy inantaan xushaad tahay Anoo xoor iyo xareed tacab Xan mooyee jacayl xogtii hayn Xurmada kuu riyoo rag xaaleyn Xiktooyin siisay aragtidaadii Anoo xoor iyo xareed tacab Xan mooyee jacayl xogtii hayn Xurmada kuu riyoo rag xaaleyn Xiktooyin siisay aragtidaadii Aqliyooy daymada xishoodkay Xubiga quruxdaada ku xasilay Xididka yuusufbaan cid kaa xigin Xalaawa jidiinka aan xagan Xariirto la daawadaa tahay Aqliyooy daymada xishoodkay Xubiga quruxdaada ku xasilay Xididka yuusufbaan cid kaa xigin Xalaawa jidiinka aan xagan Xariirto la daawadaa tahay Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta geesi xay nool Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta geesi xay nool Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay Anoo xaysto xiiso guur dhigay Ku beeray jacaylka xaajiyay Xaslada xiilkan gaara heesidee Xubigu u xiisay aragtidaadee Anoo xaysto xiiso guur dhigay Ku beeray jacaylka xaajiyay Xaslada xiilkan gaara heesidee Xubigu u xiisay aragtidaadee Xurmooy xubnahaaga kala shuban Tintaada xanjada ka xaadan tahay Suniyo xiribaha isku wad xidhay Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo Xalayto miyaan hurdada laday Xurmooy xubnahaaga kala shuban Tintaada xanjada ka xaadan tahay Suniyo xiribaha isku wad xidhay Xusuusta jidhkaagan xaada lahoo Xalayto miyaan hurdada laday Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta xaawaley nool Xurmooy inantaan xushaad tahay Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta xaawaley nool Xurmooy inantaan xushaad tahay Garaad xakimkeenu kugu xeer Xogtii gabadh loo xushaa tahay Xurmada mid la xiisayaa tahay Xajiin kuu dhalaa xasuusoo Garaad xakimkeenu kugu xeer Xogtii gabadh loo xushaa tahay Xurmada mid la xiisayaa tahay Xajiin kuu dhalaa xasuusoo Xortii ku dhashaa xaqdhawrka leh Xerada kuu kortaa xajiinka badan Xulbaa tahay garasho xeel dheer Xalaawa jidiinka aan xaganiyo Xariirto la daawadaa tahay Xortii ku dhashaa xaqdhawrka leh Xerada kuu kortaa xajiinka badan Xulbaa tahay garasho xeel dheer Xalaawa jidiinka aan xaganiyo Xariirto la daawadaa tahay Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta geesi xay nool Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay Xan iyo beeni waa iga xaaraan Xisaab inta geesi xay nool Xaqiiq wiilkaan xushaad tahay
Queue is empty
-- / --