VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ka waran - Lyrics

caqligii talaan faroo cindigii tashaan idhoo is muuji cududaan idhaa kashii caashaqu heliyo ha caban maankaan idhoo waataan cidladiyo dhibtiyo dareenkii ku ciili jiray nafyahay kaa caawiyee ka waran noloshii cusbayd xog baan ku hayaa catawgii inuu carabkaagii daayay xog baan ku hayaa cishqigu inaanu qalbigaagii ciilin xog baan ku hayaa culayskii casiis inuu kaa dul qaaday cidliyo mugdigii ku haystay cadiyo maalinbaa badalee cidliyo mugdigii ku haystay cadiyo rabaa kuu baxee ka waran noloshii cusbayd Galbeed cilmigii jiroo cadceedaan fariin faraa habeenkii ciidanshoon awood lagu ciil bixiyo carshiga naftii laga saxaa wataan carabkiyo dibniyo qalpiyo si calool fayoow cishana kula rabin dibkee ka waran noloshii cusbayd cidliyo mugdigii ku haystay cadiyo maalinbaa badalee cidliyo mugdigii ku haystay cadiyo rabaa kuu baxee ka waran noloshii cusbayd Lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --