VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dharaartaan calanka dhidbay - Lyrics

Dhaaxaan gunimiyo dhibaato mutoow Dhooba aa laygasaaray dhinacyadee Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee Dhaxaan baqay sidaan dhufaan ahoo Dhiigaay i qaraacaan ka dhoorsnayay dharaartaan asaageey dhinac galayaan ku dheresaday soo ma soo dhicin Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee Dhaaxuu gaalka qaatay dheeraadoow Anigoon dhiman maalka layga dhaxloo Dharaarteey xaqeyga la ii dhigay la ii dhiibay soo ma soo dhicinee Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee Dhaxaan biyo moodnay dhalanteedo Dhab loo qaatay Been la soo dhadhabeer Dharaartaan shiisheeye dhoofinee la ii dhaafay soo ma soo dhicinee Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee Dhaxaan gaajo iyo haraad danqalmee Dharaartaan u soo dhibaato mutaay dhoola qosol ma igu dhacayee Dharaartaan waxyeeladdii dhaqdhaqee Calankan dhidbay soo ma soo dhicinee. Lyrics by Eng Nurkaafi ·
Queue is empty
-- / --