VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Madheedhaaliyo - Lyrics

Jacaylkii madaxayga Marsooyuu ka samaystoo Minnawaariyo duunyo Miidhan bu ku xidhaaye Hay mogaanin badweyn Buu I muquurinayaa Inagoo kala maarmin Marna hayga maqnaan Gacmahaan kala maarmin Muxubooy kugu yaale Makhadaa arligeena Kolna ku maqli maaye Mayadaan ka dhintaaye Kolna hay maqashiin Inagoo kala maarmin Marna hayga maqnaan Miyirkaygiyo maankaad Habeenkii mirataayo Mawdkii baad i horkeentay Nafta meel marinaaye Marna qudhoon ku arkaa Baa malab iiga macaan Inagoo kala maarmin Marna hayga maqnaan Madheedhaaliyo Hawd baad Mushmushaaxi lahaynde Marsin geel ka cabbaayaad Wax ka maali lahayd Miyi baan aqal weyn Kaaga muujin lahaa Inagoo kala maarmin Marna hayga maqnaan
Queue is empty
-- / --