VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida geed caleenloo - Lyrics

Sida geed caleenloo Ubax guud ka qariyey ooy gooni laamaha ay midiba geesteed hoobaan is gaadhiyo guntin midha ah leedahay oo soo gandoodoo galka faraqa soo daray oo godon barwaaqao ah durdur aan go'ayniyo gacan webi ku yaala oon gu iyo jiilaal midab guurin baad tahay. Gabadhyahay kalgaclbaad goortaan ku eegoba qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin. Sidaad tahay gamaan faras senge geesi daaqsaday oo uu garduur miray sodon bil iyo gawdeed uu goobay farowgii sararta iyo gaajada oo galangalcooboo cududuhu gamuurmeen oo galaba loo raro sida ramad guyaal dhalay hadba kaynta geeda leh oon guluf colaadiyo weli socoto dheer gelin Gabadhyahay kalgaclbaad goortaan ku eegoba qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin. Sida gubanka qaarkii dhul gargoorku siman yahay ama maadh galdhiidhoo gubatiyo ku taal hawd oo laba gardhooboo badhba gees u seexdeen Oo dharabka iyo geedaha quruxdooda gaarka ah ama haro gingimanoo guud ka xarfanaysoo shinbiruhu ka giigeen oon gu iyo jiilaal midab guurin baad tahay Gabadhyahay kalgaclbaad goortaan ku eegoba qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin.
Queue is empty
-- / --