VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hoobaan - Lyrics

habenkii kolkay tahay hurdo uma dhawaadoo naftu tay la haysiyo hilaac baa ii baxoo soo haabo is leeyahay horjoogeeda wacaniyo haasawaheedaan ku habaa naftaydee innta haada duushiyo idil habar dugaag baan hadyadiyo dhambaaliyo heesaha u dhiibaa adiguna hirdooglaay aan hamuuntta reebnee hab ku soo dheh caashaqa hoobaan la moodii hiyigaygu raacaay hablahaba dhamaantood hormoodkoodi noqotoo naftu haybinaysaa sida hooyo curadkeed tii aan ha dhiciniyo hoobeey u qaadaay hanaankiyo quruxdiyo haybadiyo asluubtaa hubqaadkaaga wacan ba hibashada abuuree adiguna hirdooglaay aan hamuuntta reebnee hab ku soo dheh caashaqa
Queue is empty
-- / --