VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Raaliyo - Lyrics

ra'yibaa lagu meel maraa runbaa reer lagu dhaqaa rajaa la cawaansadaa RABAA aqbal laga sugaa hayeeshee waxaad rabtiyo haduu calaf raygado is dhalan rago waayuhu raxliga lama daadiyee RABAA loo soo noqdaa ALLOW raaliyo dugsoon akhlaaqiyo raas qobow ribo iyo been aan aqoon rafiiqeeya ka yeel roobaa lagu mahadiyaa nimciyo rays lagu helaa rafaad lagaga baxaa RAXMAANbaa inoo hayee adoo raba haday riyadu ruuneey kuu daroori waydo rugtiyo raaskaad lahayd naftaada lama raaciyee ogow risuqu waa halkiisa
Queue is empty
-- / --