VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Armuu idilaa - Lyrics

Armuu i dilaa cishqigu armuu diihaal jacayl naftayda dugaashadaa Hadduu cilmi doogta dhigay armuu anna igu daraa qabriga ii daahdahshaa diiwaanka diiwaanka armaan galaa daymooy, daymooy anigoo ku jecel Naftaydana aanan daweyn armaad iga dooorsataa cidlada igu deyrisaayoo dalxiistaa meelo kale Danteenna adaa haya taladaan kuu deynayaa adoo ii diirnaxaya qalbiga raxmad iiga doon Armuu doog igu noqdaa niinaan door iga mudneyn armay dantu caawisaa Haday hodan diidday ruux Markii dunta loogu xiray armaad adna daanadaa docdaada docdaada ka yeelataayoo anoo, anoo kuu daacadoo jirkayguna kuu doonayoo Wadnaha dabar kugu xidhay armaad axdi doorisaaayoo dawaaftaa meelo kale Danteenna adaa hayoo taladaan kuu deynayaa adoo ii diirnaxaya qalbiga raxmad iiga doon
Queue is empty
-- / --