VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dadku waa hanti mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Bk
Dadku waa hanti

dadku waa hantiye baro
wax la hubo ha beenayn
xaq la helay ha duudsiyiin
qof helana ha caasiyin
hana nnoqon qof xaasiida
hadba libinta kii hela
hambalyada kusoo rabid
waa hadiyad noloshuna
heedhe kugu amaanee
inta aan hedaa iman
beegso hilinka tooska
waana socod hayaanee
kolba heerkaad joogtiyo
waxaad maanta haysana
haka dhigan min guurshee
hir markii aad gaadhana
sii hilaadii kii kale
una dhaqan hab maamuus
ka ilaali hadimiyo
wax dhexdiina kala hela
dadku waa hantiiye baro

dadku waa hantiye baro
waxaad hiigsanaysiyo
waxaad hel aad leedahay
hayaanka iyo geediga
adigoon hore u rarin
kasii fiirso oo hubi
sahan iyo ku beeg hadaf
cilmiga uu horeeya
bar qofkaad haleeshaba
kolay tahay ha iyo waaw
hibashada wax kaa maqan
haybintiisa haw lumin
waxaad haysatoo yaal
ha dayicin hankaaga iyo
haybadiyo sharaftiyo
hantidiyo ma guurtada
rabi kaaga dhigay hibo
ruux hadhuubka kuu culay
siduu kuugu huray baa
loogu sii hambeeyaa

codkii Mohamed Bk