VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jaceyl dhaba - Lyrics

Sidii Curudkiyo dhalaanka Ku dhiiriyay, kuna dhageestay Ku dhowray ku soo dhaweeyay Hablaha kaligaa ku dhaantay Jaceyl dhaba kugu dhaartay Dhambaal heesaha ku baaqay Dhadhabay hurdo kala dhaqaaqnay Dhankaygana waad ku dheeertahay iskaarsatay labo is dhowrtay Kan dhibee ka dheer Labo wadaaga dhismo reer wada yaglee Sidaas iga dhab ahi Maxaa adna dhab kaa ah Joogii dhirikiyo lexaadka Dheehii midibkiyo dhalaalka Dhawaaq hadalka iyo oraahda Hab dhaqan milka iyo xishoodka dhudayahee waxaa tahay mid dhowrsan Lama dhalin ruux ku dhaama Dhiigiyo dhuuxa iyo laftayda dhaxqaatay dhaxtaalin iskaarsatay labo is dhowrtay Kan dhibee ka dheer Labo wadaaga dhismiyo reer wada yaglee Sidaas iga dhab ahi Maxaa adna dhab kaa ah
Queue is empty
-- / --