Heesta Laba baal - Lyrics
Baal dahab la moodii
igu beertay Caashaqa
waxa la yidhi boqoosho
Waxay raacday baabuur
bari iyo sanaag taga
Bartamaha habeenkii
Markaan soo baraaruga
baryi maysidee caawee
naftaan baxi iraahdaa
Bal hadaba bidhaan Qurux
kama Baaqan karayee
yaa isiiya laba baal
Ana Maanta boodoo
baritaba la joogee
Jacayl bari ihelaybaa
Beerkayga dagayoo
Intuu igu balaadhuu
Bahda iyo halbowlaha
Buul iga samaystoo
Boholyooow daraadii
Boqol jeer alaylkii
Bishamahaygu adiga
Adiguyee amaantaada badiyaan
Bal hadaba bidhaan Qurux
kama Baaqan karayee
yaa isiiya laba baal
Ana Maanta boodoo
baritaba la joogee
Lysric zhaafci Lezzolawi